Muqdisho (Halqaran.com) – Dhawr qof oo kale ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii galabta ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, kuwaa oo ay masuuliyiin ku jiraan.
Gudoomiyihii Degmada Shangaani, Sahra Maxamed Amiin (Sahra Markeyzi) ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxaasi.
Sidoo kale Abukaate Xasan Maxamed Sabriye, oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa isna u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in dhaawac soo gaaray uu u geeriyooday Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye.
Horey waxaa loo xaqiijiyay geerida Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Gudoomiyihii Degmada Waaberi, Mahad Cilmi iyo Gudoomiyihii Degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Maxamed.
Waxaa kaloo jiray dad la sheegay inay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir oo qaraxaasi ku geeriyooday, inkastoo aan weli magacyadooda la xaqiijin.
Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in bartilmaameydku uu ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, balse uu ka badbaaday.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com