Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab, ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, uu bartilmaameydkiMisu ahaa in lagu qaarajiyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.
Abuu Mascab, ayaa waxa uu sheegay in James Swan uu goobta u joogay kulan uu kula lahaa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Isagoo la hadlayay Radio Andalus oo afka Shabaabka ku hadla ayuu sheegay in James Swan uu goobtaasi ka tagey, ka hor intii aanu ka dhicin qaraxii galabta ruxay Xarunta Dowladda Hoose Xamar.
Afhayeenka ayaa ku waramaya in dagaal-yahanada Shabaabka ay xaruntaasi ku qaadeen hawlgal si heer sare ah loo soo abaabulay, balse uu si dirqi ah kaga badbaaday Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Abuu Muscab, Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shabaab oo aan kala cadayn nooca uu qaraxaasi ahaa ayaa dhanka kale ku faanay in lagu dilay cadow fara-badan, sida uu yiri.
Qaraxan waxa uu ku so aadayaa maalin ka dib, markii ismiidaamin ay ka dhacday wadada xiriirisa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 17 ruux, oo rayid u badnaa.
Ururka Al-Shabaabka oo aallaaba ku mashquulsan sidii ay u fulin lahaayen weerarba kan kale ee xigga ayaa waxaan jirin cid sidooda oo kale ugu mashquulsan, sidii looga hortaggi lahaa.
Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa waxaa lagu dhaliilaa sida Shabaabka ugu caaboon yihiin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed in aanay daacad uga ahayn ka guul gaaridda dagaalka lagula jiro jabhadaasi.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com