Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhagax dhigay garoonka diyaaradaha ee Ceelwaaq

Ceelwaaq (Halqaran.com) – Madaxweyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Jimcihii dhagax dhigay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcihii gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in qaab casri ah loo dhisi doono garoonkaasi, Madaxweynuhuna uu diyaar u yahay in la guda galo Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Gedo, laguna bilaabo Degmada Ceelwaaq.

Ceelwaaq waxaa lagu qabtay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Kuraastan ayaa ka mid ah 16 kursi oo dhawaan laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay “Waxaa Madaxweynuhu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad Jubbaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay Gobolka Gedo inay ku metelaan Baarlamaanka JFS.”

Qoraalka sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynahu wuxuu goobjoog ka ahaa doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq. Isagoo u kuurgelayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahadceliyay Guddiyada Doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...