Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray weerarkii ismiidaaminta ee Xeebta Liido +VIDEO

Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka ismiidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay waddada Xeebta Liido ee goobaha ganacsiga ay ku yaallaan, isaga oo intaasi ku daray in ninkaasi laga hor istaagay inuu gudaha u galo hoteelada goobtaasi ku yaala.

“Caawa abaarihii 8:40pm waxaa shakhsi naftii hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay waddada dheer ee Liido, xilli bulshada Soomaaliyeed ay u diyaargaroobeysay xilliga cashada. Halkaas waxaa ku waxyeeloobay bulsho rayid ah, oo ku ganacsaneysay agagaarka waddada Liido, waxaana ku dhaawacmay illaa sideed qof, waxaana ku dhintay illaa saddex qof, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ciidanka ammaanka.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Bulshada Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in goobta ay hadda ammaan tahay, mana jiraan wax dhib ah oo ka taagan. Shakhsi kasta oo naftii hallige ah oo raba inuu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed waxaa hortaagan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.”

Waxa uu intaasi ku daray “Ma jirto masuul ku waxyeeloobay, dhammaan masuuliyiinta way badqabaan. Ciidanka ammaanka ee goobtaasi u bareeray inay bulshada Soomaaliyeed badbaadiyaan ayaa hor istaagay shakhsigaas naftii halligaha ah ee rabay inuu si toos ah u galo hoteeladaasi, balse ay ku adkaatay feejignaan dheeri ah oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka.”

Dhanka kale goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdegga ay goobtaasi ka qaadeen meydadka lix qof iyo dhaawaca sideed kale.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa lagu arkayaa burbur soo gaaray goobo ganacsi oo halkaasi ku yaalay.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...