Muqdisho (Halqaran.com)- Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa bilowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi xildhibaan oo horey ugu guuleystay doorasho ka dhacday Beledweyne.
Maxkamadda oo fadhigii ugu horreeyey ka yeelatay dacwadda kursigan oo ah mid xasaasi ah ayaa dhageysatay dooda labada dhinac oo muddo socotay.
Xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxa uu sheegay in Maxkamaddu aanay xaq u lahayn qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xalinayo haddii murano ay ka yimaadaan doorashada.
Dhinaca kale qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeysanaya in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu horey u wado qaadista kiiska.
Dood aad ukulul oo dhaxmartay labada dhinac ka dib waxaa uu Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray maxkamadda sidoo kalena sheegay inay maalmaha soo socdo qaraar rasmi ah kasoo saari doonaan kursigaasi.
HOP086 ayaa waxaa hakiyey guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT), inkastoo HirShabelle ay ka hortimid go’aankaasi oo khilaaf horleh ka abuuray dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





