Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.
Shirka Sabtida ka dhacaya magaalad aMuqdisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.
Kulankaan ayaa lagu waddaa in ay ka soo qeyb galaan dhammaan Madaxda maamullada, halkaasi oo lagu gaari doono go’aano muhiim ah.
Ugu dambeyn, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay in Madaxda maamulada qaarkood ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in hal magaalo lagu soo koobo doorashooyinka maamul goboleedkasta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





