Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Cabdi Xaashi oo sharci darro ku tilmaamay ansixinta hay’ado aan soo marin Aqalka sare

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa digniin ka soo saaray ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hay’addo sharci darrro ah oo aan soo marin Aqalka Sare, kuwaasoo ah illaa lix sharci iyo hay’addo la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta.

Ansixinta wax ka bedelka sharciga maareynta guud, Ansixinta guddiga madaxa bannaan ee musuqmaasuqa, golaha adeegga garsoorka, Ansixinta sharciga hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, wax ka bedelka sharciga lagu dhisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay inay si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhammaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hay’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hay’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa wali u sii jira hay’ad ahaan, balse muddo xileedkiisu wuxuu dhammaadey 27-kii December, 2020-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...