Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Soomaalida Kenya oo dhac loogu geysanayo Xaafadda Islii

Nairobi (Halqaran.com) – Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka ayaa walaac xooggan ka muujiyay kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii ah Mobilada ka dhaca dadka ku nool xaafaddaas.

Wararka ayaa sheegaya, in tuugadan ay si gaar ah u beegsanayaan Soomaalida oo kaliya, isla markaana ay wataan Mooto iyaga oo markii ay taleefoonka kaa dafaan cararaya.

Mid ka mid ah Soomaalida Telfoonnada laga dhacay oo lagu magacaabo Caamir ayaa sheegay in arrintaan ay jirtay maalmihii la soo dhaafay dad badan oo Soomaali ahna la dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladda Kenya inay arrintaan wax ka qabato.

Si kastaba, arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen falalka afduubka ah ee loo gaysto Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaana xaafadda Soomaalida ay ku badan yihiin ee islii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...