Nairobi (Halqaran.com) – Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka ayaa walaac xooggan ka muujiyay kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii ah Mobilada ka dhaca dadka ku nool xaafaddaas.
Wararka ayaa sheegaya, in tuugadan ay si gaar ah u beegsanayaan Soomaalida oo kaliya, isla markaana ay wataan Mooto iyaga oo markii ay taleefoonka kaa dafaan cararaya.
Mid ka mid ah Soomaalida Telfoonnada laga dhacay oo lagu magacaabo Caamir ayaa sheegay in arrintaan ay jirtay maalmihii la soo dhaafay dad badan oo Soomaali ahna la dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladda Kenya inay arrintaan wax ka qabato.
Si kastaba, arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen falalka afduubka ah ee loo gaysto Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaana xaafadda Soomaalida ay ku badan yihiin ee islii.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com