Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Dagaal markale ka billowday deegaanno ka tirsan Gobolka Tigrey

Tigray (Halqaran.com) – Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ku yaala gobolka waqooyiga dalka Itoobiya ku yaalla ee Tigray, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyaa ciidamada falaagada iyo kuwa dowladda, sida wararku ay sheegayan.

Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo ay dad goobjogayal ah BBC u sheegen inay arkeen dagaalyahannada oo roondo sameynayo

Milatariga Itoobiya ayaa sheegashooyinkaas meesha ka saray, waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii November, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa lagu barakiciyay dagaalka oo bilowday ku dhawaad sideed bilood ka hor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...