Dagaal markale ka billowday deegaanno ka tirsan Gobolka Tigrey

Milatariga itoobiya ayaa gacanta ku dhigay caasimada Tigray's ee , Mekelle, ibishi Nofembar ee sanadki hore / GETTY IMAGES

Tigray (Halqaran.com) – Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanno badan oo ku yaala gobolka waqooyiga dalka Itoobiya ku yaalla ee Tigray, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyaa ciidamada falaagada iyo kuwa dowladda, sida wararku ay sheegayan.

Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo ay dad goobjogayal ah BBC u sheegen inay arkeen dagaalyahannada oo roondo sameynayo

Milatariga Itoobiya ayaa sheegashooyinkaas meesha ka saray, waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii November, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa lagu barakiciyay dagaalka oo bilowday ku dhawaad sideed bilood ka hor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com