Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Garoonka diyaaradaha ee Qabri-Dahare oo weli xiran

Qabri-Dahare (Halqaran.com) – Garoonka diyaaraha magaalada Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxey labaatan milyan oo Doolar, ha yeeshee ma jiraan duulimaadyo yimaada ama ka baxa.

Waxay horraantii bishii June, 2016-kii ayey aheyd markii Qabri Dahare lagu qabtey munaasabad si ballaaran loo soo agaasimay, taasoo lagu furey garoonka diyaaradaha ee magaalada, iyadoo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamulada heer deegaan iyo heer federaalba ee dalka Itoobiya ee waqtigaas.

Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisay, iyadoo qarashka lagu hirgaliyey uu bixiyey maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida ee uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Shan sano kadib, garoonkan ayaa haatan bixineyn wax adeeg ah, tan iyo intii la hakiyey guud ahaan duulimaadyadii dalkani bilawgii sanadkii hore ee 2020-ka caabuqa COVID-19 awgiis.

Inkastoo dib loo furey duulimaadyadii gudaha ee Itoobiya, marka laga reebo magaalada Qabri Dahar, oo shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ay ku sheegtay iney u joojisay duulimaadyada Qabri Dahare rakaab la’aan, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Yusuf Rooble, wasiir ku-xigeenka madaxtooyada ee maamulka deegaanka Soomaalida.

Ugu dambeyn, hadalka ka yimid shirkadda waxaa si weyn uga horyimid shacabka ku dhaqan magaalada Qabri Dahare oo aan aaminsaneyn in rakaab yari ay ka jirto magaalada oo xarun u ah tobanka degmo ee hoos yimaada gobolka Qoraxeey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...