RW Abiy oo shaaca ka qaaday in Ciidamada Eritrea iyo Sudan laga saarayo Itoobiya

FILE PHOTO: Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed speaks at a news conference at his office in Addis Ababa, Ethiopia August 1, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisal wasaaraha Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa.

Kal hore waxaa laga war qabey in gudaha Itoobiya ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda Eritrea, kuwaasoo ka barbar dagaalamayey ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxaa haatan soo shaac baxay in ciidamo kale oo ka socda dalka Sudan inay iyaguna ku sugan yihiin gudaha waddanka Itoobiya.

Khilaafka soohdinta ee labadda dal ee Sudan iyo Ethiopia, ayaa cirka isku shareerey, kadib markii sidoo kale dowladda Sudan ay codsatey in ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiyaanka ah, ee kusugan gudaha dalkeeda lagu badalo ciidamo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com