Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo xirayo shirka Wadatashiga qaran ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan waxyaabaha madaxdu ka wada hadleen iyo sidoo kale sida loo xaliyay khilaafkii taagnaa.
Waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray waxyaabihii qodobadii lagu kala duwanaa oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo, waxaana intaas uu ku daray in dhammaan qodobadii ugu muhiimsanaa la isku racay heshiisna la gaaray.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u mahah celiyay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee maxamed Cabdullahi Farmaajo kuwaas oo uu sheegay inay lahaayeen in laga heshiiyo doorashada oo muran xooganaa uu ka taagnaa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan si qaldan wax u raadin balse waxkasta ay isaga horyaalaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





