Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga qaran kaas oo uu  iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka furmaya Muqdisho.

Horey waxaa Muqdisho u soo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo uu ka sii horeeyay madaxweynaha Galmudug, waxaana la filayaa in ay yimaadaan Muqdisho labada madaxweyne ee kala ah Hirshabeelle iyo Puntland.

Madaxdan ayaana ka qeyb galaya shirka wada tashiga qaran ee uu dhawaan uu  iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyadoona ilaa hada uusan furmin shirka inkastoo uu ku yimid dib u dhac kaas oo markii hore qorshaha ahaa inuu saaka ka furmo xerada xalane.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...