Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay saldhigga Waaberi

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey saldhigga booliska degmada Waaberi.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 6 qof, waxaana laba ka mid ah ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah taliyihii saldhigga degmada Waaberi  Axmed baashane oo ku magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye  uga soo noqday  Saldhigyada degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...