Addis Ababa (Halqaran.com) – Waxaa maanta la filayaa in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir deg deg ah ka yeeshaan ismari waaga ka taagan doorasha Soomaaliya iyo xaaladda cakiran uu xilligaan dalku marayo.
Sida ay sheegayaan wararka Midowga Afrika ayaa qaadan doono door hoggaamineed oo ku aaddan xal u helidda jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.
Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo ergey cusub oo dhex dhexaadiya dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya.
Shirka Midowga Afrika ayaa marka uu soo dhammaado ayaa la filayaa in warmurtiyeed ay ka soo saaraan marxaladda siyaasadeed ee xilligan ay Soomaaliya mareyso.
Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu madaxweynaha Congo ka dalbaday inuu dhex dhexaadiyo mucaaradka iyo dowladda.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





