Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray hay’adaha ammaanka dar-dargelinta sugidda Amniga

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka amniga Caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhacdadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Sidoo kale, Rooble ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoolada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...