Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dagaal xooggan oo markale ka qarxay deegaanno ka tirsan G/Sool

Sool (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya, in dagaal beeleed Khasaaro badan geystay uu markale dib uga qarxay Jimcihii maanta Ceelka Dhabar-Dalool oo koofur kaga beegan degmada Duddun ee gobolka Sool.

Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayay goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku jihooyin horleh ku fiday, balse  faahfaahin kale ma jirto.

Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo.

Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto dowlad goboleedka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...