Monday, May 11, 2026
31.9 C
Mogadishu

Qarax Khasaaro geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Kenya

Kenya (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas.

Gaariga ay wateen ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ugu yaraan hal ruux oo ahaa darawalkii waday ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo Kenya leedahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray askar ciidan.

Saraakiisha ciidanka Milateriga dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii lagu qarxiyay askar ka tirsan ciidankooda oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan gobolka Lamu ee gudaha dalkaas.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, xili ay socdaal ku jireen, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...