Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay waddanka Canada

Toronto (Halqaran.com) – Allaha ha u naxariistee Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir Somali-Canadian ah ayaa galabnimadii Sabtida lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in Allaha ha u naxariistee Haabiil, rasaas lagu furay xilli isaga iyo qof kale oo la socday oo dhaawacmay ay marayeen agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett, iyagoo watay gaari.

Sida booliska ay sheegeen ilaa iyo hadda waxaa laga shakisan yahay in weerarka ay ka dambeeyeen laba qof oo madow ah oo da’doodu ay u dhexeyso 20 ilaa 25 sano jir.

Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad ayay boolisku sheegeen inay heleen, kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaarigii ay wateen.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...