Monday, September 21, 2026
26 C
Mogadishu

Taliska ciidanka xoogga dalka oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka  ay Al-Shabaab qasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaal ay kula galeen degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

Jeneraal biixi ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu kahortagay weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada, isla markaana xubno badan ay ka dileen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 45 xubnood tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaannadii lagu dagaalamay uu ka socdo howlgal uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage kaasi oo lagu baadi goobayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...