Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la qaatay Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Shariifka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka ka dhacaysa iyo sida loo xalin karo qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada oo aan weli wax heshiis rasmi ah laga gaarin.

Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sida Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe  ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaalka lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor ah u dhacda.

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo labada madaxweyne maamul ayaa waxaa mar dambe ku biiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, RW hore Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Shalay ayey aheyd markii midowga musharraxiinta madaxweynaha ay ka qeyb galeen shir u furmay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka, iyagoona u gudbiyay tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo sida lagu xalin karo qilaafka taagan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...