Saturday, June 27, 2026
25.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland ‘Axmed Madoobe’ oo yimid Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Kismaayo, waxaana uu Madaxweynaha Jubbaland ku biiraya Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Arbacada berrito lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa iyaguna lagu wadaa inay soo gaaraan Caasimadda Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in shir ku yeeshaan Xerada Afisyooni, oo ku barbar taala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa la filayaa inay suggi doonaan ammaanka goobta shirka.

Shirka ayaa laga soo wareejiyay Aqalka Villa Soomaaliya, ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in shirka lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...