USA (Halqaran.com) – Mackenzie Scott, oo aheyd xaaskii hore ee Jeff Bezos oo ah ninka ugu taajirsan adduunka ayaa guursatay macallin cilmiga sayniska ka dhiga iskuulka ay carruurteeda dhigtaan.
Haweeneydan ayaa markii ay dalbaday furriinka waxa ay heshay boqolkiiba afar saamiyada Amazon, taas oo u dhiganta 35.6 bilyan oo doolar, waxa ayna keentay in ay ka mid noqoto dadka ugu taajirsan adduunka.
Ms Scott ayaa la sheegay in ay bixisay lacag gaareysa 4 bilyan oo doolar, lacagahaan ayay sheegtay in ay ku bixisay howlo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo arrimaha caafimaadka.
Ms Scott ayaa afar carruur ah u dhashay Jeff Bezos. iyada, afarteeda carruur iyo seygeeda cusub ayay sheegtay in ay ku nool yihiin magaalada Seattle.
Mr Bezos ayaa hadal uu soo saaray waxa uu ku yiri “ Dan waa nin wanaagsan, waana ku faraxsanahay guurkooda.”
Ms Scott ayaa hadda ah qofka 22aad ee ugu taajirsan caalamka, halka Mr Bezos uu yahay qofka ugu taajirsan adduunka waxa ayna hantidiisa gaareysaa 177 bilyan oo doolar.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





