Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Switzerland oo laga mamnuucay xirashada indha-shareerka

Switzerland (Halqaran.com) – Cod-bixiyeyaasha Switzerland  ayaa u codeeyay in weji xirashada laga mamnuuco goobaha bulshada isugu timaado, natiijadaan ayaa ka dhigan in indha-shareerka amaba niqaabka laga mamnuuci doono dhammaan goobaha bulshada isugu timaado, sida waddooyinka, xafiisyada dowladda, maqaayadaha, gaadiidka dadweynaha iyo dukaamada.

Soo jeedinta muranka dhalisay ayaa heshay taageerada 51.21% ee cod-bixiyeyaasha iyo inta badan 26-ka maamul goboleed ee dalka ka jira, sida ku cad natiijooyinka rasmiga ah oo ay daabacday dowladda federaalka.

Dowladda Switzerland ayaa iska fogeysay mamnuuciddan, iyada oo sheegtay in aysan shaqo ku laheyn waxa ay xiranayaan haweenka.

Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay jaamacadda Lucerma ee Jarmalka, haweenka xirta indha-shareerka gudaha Switzerland ayaa gaaraya 30 haween, sidoo kale qiyaastii 8% bulshada Switzerland oo gaaraya 8.6 milyan oo qof ayaa muslimiin ah, intooda badanna waxa ay ka soo jeedaan dalalka Turkiga, Bosnia iyo Kosovo.

Koox Islaami ah oo dalkaas ka dhisan ayaa ku tilmaantay in “Maalin madow” ay u tahay Muslimiinta.

Ma aha markii ugu horreysay ee Islaamka lagu soo qaato aftiyada Switzerland. Sanadkii 2009-kii dadka ayaa ka soo horjeestay dhismaha minaaradaha.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...