Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ku baaqday in la cunaqabateeyo Dhaxalsugaha Sacuudiga

Minnesota (Halqaran.com) – Xildhibaannad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro Dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu amray dilka wariye Jamaal Khaashuqji.

Ilhaan Cumar hadalkeeda ayaa imaanaya xilli sirdoonka Maraykanka ay sheegeen in uu Dhaxal sugaha Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Khaashugi.

Habka loo dilay wariyahan ayaa carro iyo cambareeyn ka dhaliyay Caalamka, taasi oo keentay baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo ciddii ka dambeeysay dilkiisa.

Wariye Jamaal Khaashugji ayaa 2d-dii  bishii Oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...