Garoowe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada Puntland uu ka bilaabanayo kulan gaar ah oo looga hadlayo xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in Kulankan ay wada qaadan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharraxiinta ee halkaasi ku sugan, iyaga oo ka wada haddli doona isbedelada siyaasadeed iyo isku soo dhawaanshaha xagga doorashada ee muuqda, kaas oo uu ka shaqeeyey Madaxweynaha Galmudug.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Halqaran News u sheegeen in musharraxiinta qaar ay kasoo horjeesteen aragtida Jubbaland iyo Puntland ee ah in heshiis la gaaro wixii ka dambeeya 28ka bishan, iyaga oo doonaya in la dadajiyo doorashada.
Kulamada looga hadlayo xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda si isdaba-joog ah u dhici doona.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble in uu la kulmo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





