Saturday, June 13, 2026
25.9 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne +(SAWIRRO)

Beledweyne (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa Khamiistii maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay qaybaha Bulshada iyo Maamulka.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha dhaqanka Beledweyne.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uu gaaro Magaalada Beledweyne, iyadoo Safarka maanta dabageed uu horudhac u yahay xubnaha Wafdigaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle uu ku tago Magaalada Beledweyne tan iyo markii ay dhacday doorashada Maamulkaasi.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...