Thursday, May 21, 2026
28.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo howlgeliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Xalinta Khilaafaadka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo howlgeliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

“ Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku bixinayso hirgelinta doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda, kuna saleysan Heshiisyadii Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Samareeb ay ku kala saxiixdeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal in ay cadaalad iyo daacadnimo ku hirgeliyaan doorashooyinka 2021 ayaa Alle uga rajeeyey in uu ku guuleeyo howshan Qaran ee loo xilsaaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...