Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamud iyo safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa Khamiistii maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay xilliga kala guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray caqabadaha hor taagan doorasho heshiis lagu wada yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) ayaa uga mahad celiyay safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender taageerada ay mar walba siiyaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...