Sunday, June 14, 2026
27.7 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay duqeymo khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Gedo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya, in diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin ciidamada Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya, in diyaaradahan ay duqeymo ka geysteen deegaannada kala ah Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo iyo sidoo kale Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in hal ruux uu ku dhintay Afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah dad Shacab oo Xoolo dhaqato ah.

Deegaannada ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar duqeymo lala beegsado, balse dadka ku waxyeeloobay ay yihiin Shacab.

Weli kama aysan hadlin dowladda Kenya iyo maamulka goboka Gedo ee ugu magacaaban DF Soomaaliya duqeymahaasi loo geystay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay dad shacab ahi ay ku waxyeeloobeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...