Baay (Halqaran.com) – Waxaa muddooyinkii la soo dhaafay jirtay warar laga baahinayay deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, kaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga kana howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamada dowladda ka baxeen degaanka Goofgaduud.
“Halkan waa deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay waxaa ku sugan oo Fariisin u ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad, waxaa jirey Warar Been Abuur ah oo Bulshada isla dhaxmareyeen oo ah in Ciidanka isaga soo baxeen waxbana kama jiraan‘‘, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidanka dowladda.
Sidoo kale, Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga ayaa sheegay in dadka wararkaasi faafiyay ay ahaayeen kuwa doona in ay khalqal geliyaan Bulshada iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed .
Deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaallamay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo weeraray, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay xaqiijinayaan Amniga degaanka oo laga ilaaliyo Magaalada Baydhabo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





