Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Khubaduu ka jeediyay taalada Daljirka Daah-soon ee Degmada Boondheere ee uu ka socday Banaanbax lagu taageerayo ansixinta matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.
Cumar Filish oo la hadlaayay boqolaal dad shacab ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daah-soon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay matalaadda Gobolka Banaadir ku siiyeen 13 xubnood ee Aqalka Sare ee dalka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay caasimadda dalka Soomaaliya ayna muhiim ay tahay in Aqalka Sare Kuraas ku yeesho kuwaasi oo ku hadlaya codka bulshada Gobolka.
Wuxuu xusay, Cumar Filish, in tallaab geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
“Magaalada Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa magaalada dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Cumar Filish oo maanta khudbad ka jeediyay taalada Daljirka Daah-Soon.
Halka hoose ka dhageyso Codka Duqa Muqdisho Cumar Filish:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





