Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo kulan fool-ka-fool ah ku yeeshay Gaalkacyo +(SAWIRRO)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Gaalkacyo kulan fool ka fool ah ku yeeshay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhigiisa Galmudug ku soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo ay kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen.

Kulanka oo loogu magac daray Shirka iskaashiga Dowladaha Galmudug iyo Puntland ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, dib u heshiisiinta, xoojinta nabadda iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Intii kulanka uu socday ayuu Madaxweynaha Galmudug uu Madaxweyne Deni weydiistay in Puntland soo fasaxdo gaadiid dagaal oo Galmudug ay leedahay, kuwaa oo ay Puntland la wareegtay markii ay Galmudug kala soo degtay Dekeda Boosaaso. Xilligaasi waxaa socday dagaaladii Gaalkacyo.

Wararka ay haleyso Halqaran.com, ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka aqbalay Madaxweyne Qoorqoor baaqiisa ah in Galmudug lagu soo wareejiyo gaadiidkeeda.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac ku wehlinayay Wasiirro, Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo la taliyeyaal. Kulanka ayaana ku soo dhammaaday sidii loogu talagalay.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayay dabayaaqadii bishii hore ee May u bilaabatay xiriir wanaagsan, kaasoo ku qotoma iskaashiga arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo in laga gudbo dagaalada beelaha ee gobolka ku soo noq noqday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...