Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa xil ka qaadis ku sameyey qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada, isagoona magacaabay kuwa kale oo cusub.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa Magacaabay 8 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.
Halka hoose ka akhkriso wareegtada madaxweynaha K/Galbeed:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







