Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab deegaanno kala wareegay

J/Hoose (Halqaran.com) – Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyaan ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen deegaano hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka Jubadda Hoose, iyaga oo kula wareegay tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo at ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab ee xoogga dalka G/le Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 ka tirsan Al-Shabaab-

Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa tilmaamay intii ay howlgalka ku guda jireen inay la kulmeen dad ay saameen ku yeesheen dhibaatooyinka ka jiray deegaannadaas, kuwaasi oo ay siiyeen cunto biyo iyo daawo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...