Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

UPDATE: 24-kii saac ee la soo dhaafay oo Kiisas cusub oo Covid-19 ah oo la diiwaan-geliyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan-geliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 25 xaaladood oo cusub dalka laga diiwaangeliyay, kuwaa oo 17 ka mida laga xaqiijiyay Somaliland, iyadoo Gobolka Banaadir laga diiwaangeliyay 7 xaalad, halka 1 xaalad laga helay Koonfur Galbeed.

Bukaanada cusub ee xanuunka laga helay ayaa 19 ka mida waxaa lagu sheegay inay rag yihiin, halka 6-da kalana ay haween yihiin.

Sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof, taasoo wadarta guud ee ka bogsatay ka dhigeysa 837 qof.

24-kii saac ee la soo dhaafay ma jirto wax dhimasho ah oo dalka laga xaqiijiyay, sida ku cad jadwalkan ugu dambeeyay ee ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Xaaladaha guud COVID-19 ee dalka laga helay waxaa ay tiradoodu gaartay 2,860, illaa iyo hadana inta laga warqabo waxaa ugu geeriyootay 90 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maalin kasta soo saarta warbixin kooban, oo ay kaga hadleyso xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka ee dalka, marka laga reebo maalinta Jimcaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...