Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

Mooshin loo gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada golaha shacabka ee BF Soomaaliya oo maalintii Shanaad dood xiriir ah ku lahaa xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Arbacada maanta ah Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa loo gudbiyay Mooshin.

Mooshinkaan ayaa waxaa gudbiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu ku saabsan yahay matalaada Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid Xubnaha Golaha Shacabka ee Mooshinka gudbiyay ayaa Bartiisa xiriirka Bulshada ee Facebook, wuxuuu ku xaqiijiyay Mooshinkaan inay gudbiyeen.

“Mooshin ay ku saxiixan yihiin 130 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ayaan hadda u gudbinay Gudoonka Golaha Shacabka si tirada Aqalka Sare ku matalaya Gobolka Banaadir u noqoto 13 Senator.”

Dooda Xildhibaanada Golaha shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa ku saabsan Arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir oo Xildhibaanada ay muujinayaan inay u hiiliyaan matalaad sax ah oo Gobolka uu yeesho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...