Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Ciidamada Puntland oo gacanta ku soo dhigay gaari laga dhacay Galmudug

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca loo yaqaan Probox, oo todobaad ka hor laga soo dhacay Galmudug gaar ahaanna Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

War qoraal oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliisku ay ku guulaysteen soo qabashada Gaarigaas oo midabkiisu caddaan yahay, taargadiisuna tahay CN 721.

Laguma sheegin qoraalka Taliska, wakhtiga gacanta lagu soo dhigay Gaarigaasi, halka laga soo qabtay iyo  haddii ay jirto in la qabtay ciddii soo dhacday, balse keliya waxa lagu soo koobay in Gaariga ay gacanta ku dhigeen Booliska.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug, ayaa u mahadceliyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, oo sida ay sheegeen wadashaqayn buuxda u muujiyay Ciidanka Booliska, si loo xaqiijiyo Amniga.

Sidoo kale, waxay ballan qaadeen in ay xoojin doonaan Wada shaqaynta Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ka hawlgala labada dhinac ee Gobolka Mudug, si la isaga kaashado Sugidda Amniga Gobolkaas.

Si kastaba, deeganada Galmudug ayaa wali waxaa ka jirta xaalad la xiriirta dhaca gaadiidka qaybihiisa kala duwan oo ay gaysanayaan rag Burcad ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...