Thursday, November 13, 2025
25.8 C
Mogadishu

Daawo looga hor-tagayo Cudurka Coronavirus oo la helay

Colifornia (Halqaran.com) – Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay Cilmiga bayoolajiga ee California ayaa helay daawo wax ku ool ah oo loogu tala galay ka hortagga Cudurka Coronavirus, sida ay tabisay Fox News.

Shirkadan ayaa waxa ay sheegtay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ka joojisay Coronavirus inuu galo 100% boqolkiiba unugyada bini’aadamka caafimaadka qaba, kadib tijaabooyin la sameeyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Sorrento waxaa lagu sheegay inay soo saari karto illaa 200,000 bil waliba, islamarkaana ay u baahan tahay oggolaansho.

Shirkadda waxay ka dalbatay oggolaansho deg-deg ah Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA), laakiin weli ma aysan helin.

‘Waxaan dooneynaa inaan carrabka ku adkeyno in ay jirto daawo” maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, ayaa u sheegay Fox News.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...