24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Muuse Biixi oo kormeeray xeryaha tababarka ciidamada Xilli Covid-19 uu dadka guryaha ku xareeyay +(VIDEO)

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Sabtida maanta kormeeray kulliyadda tababarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne oo ay ciidamada qalabka sida siyaabo kala duwan ugu soo bandhigeen cududdooda ciidan iyo saanadda ciidan ee ay haystaan.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka taliye ahaan ka go’an tahay horumarinta iyo dhisidda ciidanka Booliska oo kamid ah dhidibada waaweyn ee amniga qaranku ku taagan yahay.

“Madaxweyne Ciidanka Boolisku waxa ay u diyaar garoobayaan inaannu isbeddel weyn samayno oo aanu soo saarno arday yaryar oo saraakiil ah, gaadiid badan oo taladaadii iyo maskaxdaadiina ay diyaar garoobeen, iyada oo ciidanka qaranku maanta naga caawiyo wax badan oo arrimaha gudaha ahna, insha Allah sannadka soo socda waxannu u diyaar garoobi doonnaa inuu ciidanka Boolisku uu ta gudaha ka adkaado aannu ciidanka Birmad ah oo adag aanu dhisno oo ciidanka Militiriga caawiya”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan kuwa goobta kusoo bandhigay cududdooda iyo agabkooda ciidan, ardayda ku jirta Carbiska shaqo qaranka iyo weliba saraakiisha kala duwan ee halkaas lagu tabobaro.

“Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...