Sanaag (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag, aya sheegaya, in dagaal khasaare geystay uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkaasi ay ku dhinteen laba ruux, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Ceelafweyn oo hoostagtay deegaanka lagu dagaallamay.
Dagaalka ayaa la sheegay, in maleeshiyaadka dagaallamay ay isku heystaan dhul ku yaalla halkaasi, waxaana weli la maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.
Ugu dambeyn, degmada Ceelafweyn iyo deegaanno hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer ku soo laab laabtey dagaal beeleedyada, iyada oo Somaliland ay ku guul dareysatay xalka gaarista dagaal beeleedyadaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






