Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka Batroolka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa maanta uga doodaya hindise sharciyeedyo kala duwan, kuwaas oo aan weli la horgeynin Aqalka Sare, balse horay u soo maray golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajandayaasha uu Aqalka sare Maanta ka hadlaya ayaa waxaa ka mid ah, Akhrinta 1-aad ee hindise-sharciyeedka Bartoolka sidoo kale waxaa akhrinta 1-aad mari doona hindise sharciyeedka hawlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horay u meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 xildhibaan,waxaana diiday,4 mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaana aad loo wada dhowrayaa go’aanka Aqalka Sare ka soo bixi doona marka ay ka doodaan sharciyadaa kaddib.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...