XOG: Donald Trump oo loo ogolaaday lacagtii lagu dhisi lahaa darbiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico

US President Donald Trump gestures as he speaks to members of the press prior to departing from the South Lawn of the White House in Washington, DC, July 24, 2019. (Photo by Roberto SCHMIDT / AFP)

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u oggolaatay in sanduuqa wasaaradda gaashaandhigga dalkaas uu ka isticmaalo lacag dhan 2.5 bilyan oo dollar, taasoo lagu maalgelinayo dhismaha darbi kala qeybinya soohdinta Mareykanka iyo Mexico.

Maxkamadda ayaa waxay go’aankaasi ku meel marisay shan cod halka afarna ay diideen, waxayna sidaa maxkamaddu ku hor istaagtay xukun uu horay u riday xaakimka federaalka ee California, kaas oo madaxweynaha ka hor istaagay inuu wax kharash ah ku bixiyo dhismaha darbiga.

Darbiga oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballaanqaadkii ugu waynaa ee ololaha Trump ee doorashadii 2016-kii.

Dhismaha darbigan oo uu madaxweyne Trump ku sheegay in uu uga gol leeyahay xakamaynta muhaajiriinta kusoo qulqulaya dalka Mareykanka ayuu xisbiga dimoqraadiga aad uga soo horjeestay.

Go’aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa gaartay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in lacagta loo isticmaali doono mashaariicda darbiga looga dhisayo gobollada California, Arizona iyo New Mexico.

Maxkamad ku taal California ayaa waxa ay ku doodday in Kongareesku uusan bixin ogolaanshaha kharashka loo isticmaali doono dhismaha darbiga.

Madaxweyne Trump oo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu xukunka maxkamaddu ay ridday ku tilmaamay guul weyn oo usoo hoyatay.

Tan iyo markii uu talada dalkaasi la wareegay madaxweyne Trump ayay dadka soo galootiga ah ee dalkaasi ku nool iyo kuwa doonaya in ay u dhoofaan waxa ay wajahayeen culaysyo dhanka safarka iyo ku noolaanshaha dalkaas taas oo ay ugu wacantahay maamulka madaxweyne Trump oo cadaadis saaray soogalootiga.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com