Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

AKHRI: Waa kuma Taliyaha cusub ee la wareegay Taliska AFRICOM +SAWIRRO

Stuttgart (Halqaran.com) – General Stephen J. Townsend oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, ka dib munaasabad lagu qabtay Magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay General Thomas Waldhauser, kaasoo saddexdii sano ee la soo dhaafay madax ka ahaa AFRICOM.

Taliyaha cusub ayaa waxaa uu sheegay in toddobaadka soo socda uu safarkii ugu horeeyay ku taggi doono Afrika, halkaasoo uu Mareykanka ku wajahayo xaalado khalafsan oo dhanka amniga ah.

Taliska AFRICOM ayaa dagaal kula jira kooxaha mayalka adag ee dagaalka ka wada Qaaradda Afrika. Mareykankana waxa uu hormuud u yahay dowladaha reer galbeedka ee dagaalka kula jira kooxahaasi.

Taliyaha ayaa waxaa horyaala caqabado ay ka mid yihiin dardargelinta dagaalka lagula jiro, kooxaha argagixisada ee dagaalka ka wada, sida Somaliya.

Taliyihii hore ee AFRICOM, General Thomas Waldhauser ayaa lagu xusuustaa in uu ballaariyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

General Thomas Waldhauser ayaa labadii sano ee la soo dhaafay xoojiyay duqeymaha cirka, ee Mareykanka uu ka wado Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Berlin
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...