Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

Xubno ka kala socda DF Somaliya iyo Dowlad goboleedyada oo maanta Shir uga furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF Soomaaliya, Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa Axadda maanta ah furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad goboleedka Dalka.

Shirkan oo ah kii u horreeyay oo uu Wasiir Biixi la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad goboleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada, Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

“Shirka maanta inoo furmay heer Federaal iyo Dawlad goboleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumarinta bulshada, shaqo abuurka, xirfadaha, siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mideynta qorshayaasha shaqo,iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka, iyagoo boggaadiyay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhalinta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa war-murtiyeed laga soo saari doonaa, Isniinta berri ah marka la soo gabagabeeyo, iyadoo ay ka qeybgalayaan wasiiru Dawladaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...