Saturday, March 14, 2026
26.8 C
Mogadishu

Qatar oo Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo Cabdullah Saalim Nasser Al Holie oo ah Diblomaasi Sare.

Safiirkan cusub ayaa waxa uu badeli doonaa kii hore ee dalkaas u joogay Soomaaliya, Xasan Bin Xamzah.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo is beddel ku sameysay Safiirkii Soomaaliya u joogay, horay Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya.

Geesta kale, Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo muddo 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirro iyo Diblomaasiyiin kale.

Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo samafal ka fuliyay Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale dhowaan la billaabi doono Waddada Balcad iyo Jowhar oo Mashruuciisa la haayo.

Si kastaba, Safiirka Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumarinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...