Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

DHAGEYSO + XOG XASAASI: Puntland oo shaaca ka qaaday in Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay weerar ku yihiin Sanaag! + Cabsi dagaal

Garoowe (Halqaran.com) – Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) oo haatan ku sugan degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa maamulkaasi iyo Somaliland.

Taliye Yaashiin Dheere oo khudbad u jeedinayey ciidamada Puntland ee ku sugan halkaasi ayaa sheegay gobolku uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana uu leeyahay cadow fara badan.

”Gobolka kan waad ogtihiin maanta cadow badan ayaa ku soo wajahan xaalad dagaal buu gobolku ku sugan yahay nina looga sheekeyn maayo.” Ayuu yiri taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Badhan ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda, sida uu hadalka u dhigay.

”Ciidanka gobolladaas waqooyi ka taliya ay soo wadaan iyo Shabaab oo labadoodu aan kala harin wada soccdaan waxay ku soo wajahan yihiin deegaankan.” ayuu intaasi raaciyey taliyuhu.

DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland aysan weerar aheyn, islamarkaana ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada.

Inta badan madaxda Somaliland iyo Puntland ayaa dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaas oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaaliya.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA:

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...