Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaadan ogeyn oo ka socda Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka cusub ee DFS iyo Ahlu Sunna ka dhex-taagan

Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararkii ugu dambeeyey ee hadda naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu soo if baxay Khilaaf hor leh oo u dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Khilaafka cusub ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu imaaday kadib markii Ahlu Sunna ay codsatay in la hoos geeyo guddiga Doorashada Galmudug.

Ahlu Sunna waxay Ra’isul wasaare Kheyre hordhigtay inay iyaga maamulaan Doorashada marka la qabto Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug oo la filayo in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga Ahlu Sunna ka hor timid, waxayna taas sababtay inuu Khilaafka meesha ugu sareysay gaaro, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dhacay kulamo aan loo kala kicin oo u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Waxyaabaha ay Ahlu Sunna dalbadeen ayaa ah inay iyaga qaataan Guddiga Doorashooyinka iyo Maamulka Howlaha Doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegayo in sababta uu shirkii Dib u Heshiisiinta Shalay u baaqday ay aheyd khilaafkaan darteed.

Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb geysay Ciidamo badan oo isugu jiray AMISOM iyo kuwa Dowladda, waxaana wiiqmatay awoodii Ciidan oo ay Ahlu Sunna ku laheyd Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...