Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in Puntland ay wado qorshe culus oo ay ku soo xero gelineyso xubno ka tirsan Somaliland?!

Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Warar lagu kalsoonyahay oo ay helayso mareegta Halqaran.com ayaa sheegaya, in dowlad goboleedka Puntland ay waddo qorshe cusub oo ay dooneyso in ay ku soo xero geliso saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, kuwaasi oo ka soo jeeda gobolka Sanaad.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadiisa, xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland iyo maamulka gobolka ayaa doonaya inay sii xoojiyaan soo xero gelinta shaqsiyaadka huray gacanta Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo ka tirsan barlamaanka Puntland lagana soo doorto gobolka Sanaag oo wax laga waydiiyey joogitaanka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Badhan ayaa sheegay in uu ku yimid arrin qoys.

Wuxuu kaloo xildhibaan Dhoore uu sheegay in ay horay u soo xero geliyeen rag katirsanaa Somaliland, haddana aysan doonayn inay xabad iyo xoog wax walba ku wajahaan arrinta guddoomiyahana uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...