XOG: Maxay tahay sababta ay Somaliland shaqaalaha badan shaqooyinka uga eriday?

Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa waxay shaqada ka eriday lix shaqaale, kuwaa oo lagu helay inay isticmaalaan amaba leeyihiin balwad ay ka mid tahay qaad iyo sigaar.

Xubnahan shaqada laga eryay ayaa waxay ka tirsan yihiin Ciidanka Dab Demiska Somaliland, waxaana tallaabada shaqada looga saaray ay timid, ka dib markii lagu sameeyay dabagal qarsoodi aheyd.

Guddiga Asluubta iyo Anshax Marinta Ciidanka Dab Demiska Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyay xubnaha shaqada laga eryay, kuwaa oo lagu ogaaday inay balwad leeyihiin hawlgal laga habeen qaatay, oo laga sameeyay mid ka mid ah Degmooyinka Hargeysa.

”Gudida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka Dab Demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab Demiska Qaranka hawlgal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macalin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxay ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar ugu cunayay, xlili ay ku guda jireen shaqada habeenimo ee heeganka xaruntaasi.” Ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Guddiga ayaa tallaabada shaqada looga saaray xubnahaasi waxay sheegeen in loo cuskaday xeer hoosaadka Ciidanka Dab Demiska Somaliland, qodobkiisa 19aad, farqadiisa 1aad.

Guddiga ayaa qoraalka ku sheegay in qodobkaasi uu oranayo ”Lama ogola isticmaalka balawadaha kala duwan cunitaankooda iyo qaadashoodaba, xubintii lagu arko isagoo cunaya , cabaya, qiijinaya ama sita waa eri toosa.”

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com